Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Ayaan Xasan, waa kalkaaliso caafimaad oo si gaara u baratay umalisonimada, waxay muddo dheer ku nooshahay dalka Sweden, halkaas oo ay ku baratay culuumta caafimaadka gaar ahaan kuwo haweenka.
Waxay BBC-da u sheegtay inay is waydiisay sidii cilmiga ay baratay dib ugu celin lahayd dalkeedii iyadoo ku tabarucaysa waqtigeeda, lacagteeda iyo aqoonteedaba.
“Go’aan waxaan qaatay inaan dalkaygii dib wax ugu celiyo, dhowr jeer oo waddankii aan tagayna waxaan arkay goobaha caafimaadka inay u baahan tahay in wax weyn laga qabto. Marka waxaan isku xilqaamay inaan sanad walba intaan tikitkayga iska bixiyo an sanadkii bil tago waddankii oo wax Alle waxaan ka caawin karo ka caawiyo,” ayey tiri Ayaan.
Waxay sheegtay inay xoogga saartay xagga waxbaridda howlwadeennada caafimaadka ee haweenka ah, sida loo gacan qabto hooyada marka ay foolanayso haddii ay ku yimaadaan dhiig-bax ama kalamasiyo.
“Abaalmarinta waxaa la igu siiyey shaqadii is-xilqaanka ahayd ee aan isku xilqaamay, si aan hooyooyinka isku dhimanaya xilliga foosha u badbaadiyo, cilmigeediina aan ugu gudbiyo umulisooyinka, dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha ka shaqeeya qaybta hooyada iyo dhallaanka,” ayey tidhi Ayaan.
Hay’adda abaalmarinta bixisay ayaa sidoo kale Ayaan ku maamusay $3,000 (saddex kun oo dollar), lacagtaasoo ay sheegtay in ay dharka shaqada ugu iibin doonto umulisooyinka ka hawlgala isbitaalada magaalada Gabiley, si ay ugu dhiirrigeliso shaqadooda.
“Lacagtaas waxaan go’aansaday in aan kaga farxiyo gabdhaha umulisooyinka ee gobolka Gabiley, oo aan ka caawiyo dharka shaqada. Sidaas darteed, iyaga ayaan u hibeynayaa,” ayey tidhi.
Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ay la soo xidhiidhay maayarkii hore ee Gabiley, Maxamed Amiin, isla markaana ay u bandhigtay qorshe ay si bilaash ah wax ugu barayso hablaha umulisooyinka ah, halka dawladda hoose ee Gabiley-na ay siisay goob ay degto. Tan iyo markaas, siddeed sano oo ay hawshan waday, hablaha ay tababartay ayaa hadda wax ka dhiga jaamacado, waxayna kaalin weyn ka qaateen badbaadada hooyada iyo dhallaanka.
Dumarka ka shaqeeya caafimaadka Soomaaliland ayaa 20-kii sano ee u dambeeyay sameeyay isbeddel muuqda oo la taaban karo, gaar ahaan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka. Edna Adan Ismaaciil, oo ah umuliso caan ah, ayaa iyaduna abaalmarin caalami ah ku heshay waxqabadkeeda caafimaadka ee Soomaaliland .