spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRO} Ciidamo Loo Diyaariyay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab Oo Baledweyne Lagu Soo Bandhigay

Jimco, Feb 14, 2025 {HMC} Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa dhiiragalin ugu tagay boqolaal ka mid ah ciidanka deegaanka oo lagu soo bandhigay Galbeedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan deegaanka ayaa ah kuwa loo diyaariyay iney ka qeyb qaataan howlgalo culus oo la qorsheynaayo iney ka bilaawdaan maalmaha soo socda Galbeedka gobolka Hiiraan oo ay kooxda Al-shabaab fariisimo xoogan ku leedahay.

Guddoomiye Muuse oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa ciidankan lagu diyaariyay Galbeedka Baledweyne kula dardaarmay iney u diyaar garoobaan sidii Galbeedka Hiiraan uga xureyn lahayeen kooxda.

“Cidii khawaarijta madaxooda dhaawacooda iyo Hubkoodda keenta waxeey heleeysa Birimiyo Iyo Abaalmarin waxaan rabnaa in beesha gaaljecel ay guul ka gaaraan la dagaalanka khawaarijta waana idiin garab taaganahay ka doowlad ahaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka HiiraanMuuse Salaad Wehliye

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiye Muuse Salaad in ciidamada deegaanka ay soo bandhigtay beesha Gaaljecel loo baahan yahay buuxinta kaalintooda ku aadan ciribtirka Al-shabaab oo aheyd mid ka dhineyd dagaalka ka socda gobolka Hiiraan.

“Waxaan u baahanahay in maanta kadib ay idinka harto xan badan oo aheyd Gaal jecel iyo Al-shabaab waa isku milan yihiin oo lama kicin karo Al-shabaab xantaas inaad god ku ridaan ayaa la idinkaga fadhiya, ka maamul ahaan hub iyo saanad ciidan waan idinku garab taanahay, Bariga Hiiraan cadawga waa laga xureeyay, hadana Galbeedka ayaan dooneyna inaan isugu tagno” ayuu yiri guddoomiye Muuse Salaad Wehliye.

Ugu dambeyntii ciidankaan lagu soo bandhigay Galbeedka magaalada Baledweyne ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab laga xureeyay dhamaan deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan, islamarkaana wali kooxdu fariiso waa weyn ay ku leedahay Galbeedka gobolka.

WARARKA