spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Danab oo Xoog ku soo furtay gaadiid iyo dad shacab ah oo u xayirnaa AS.

Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa kooxda Al-shabaab ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah uga fuliyeen tuulada lagu magacaabo Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd baro koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo dad shacab ah.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka Dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay iney cagta mariyeen dhamaan barahii koontaroolada ee kooxdu ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay uga hortagayaan dhibaatooyinka kooxdu ay ku hayaan gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee ku safra wadooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

WARARKA