spot_imgspot_imgspot_img

Xisbiga Jamhuuriga oo wada olole Mareykanka looga masaafurinayo Xildhibaan Ilhaan Cumar

Khamiis 13-02-2025 {HMC} Xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa billaabay olole dhaqaale uruurin ah oo la xiriira codsi ku saabsa in xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga masaafuriyo dalka Mareykanka.

Olalahan ka dhanka ah Ilhaan Cumar ayaa waxaa wada mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, iyaga oo ku eedeyay in dhiirigalineyso in dadka Muhaajiriinta ay yimaadaan Mareykanka.

Xildhibaan Brandon Gill, oo ah cusub oo matalaya degmada 26-aad ee Texas ayaa wada olalaha dhaqaale arruurinta, isaga oo filaya inuu maxkamad la tago Xildhibaan Ilhaan Cumar, isagoo ku boorinaya taageerayaasha inay saxiixaan codsi xiriira xarriga iyo masaafurinta Ilhaan Cumar.

Dhaqdhaaqyada ka dhanka ah Ilhaan Cumar ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay kulamo la yeelaneysay Muhaajiriinta iyo dadka soo galootiga eek u sugan dalkaasi.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan, in Ilhaan Cumar ay mucaarad weyn ku tahay xisbiga Jamhuuriga ee u hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump.

WARARKA