Khamiis 13-02-2025 {HMC} Gaza — Xamas ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.
Xamas ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta qodobbada xabbad-joojinta.
Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.
Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Israa’iil kadib warka Xamas, hase yeeshee tallaabadan ayaa u muuqata mid oggolaanaysa in xabbad-joojintu sii socoto waqtigan xaadirka ah, inkastoo mustaqbalka heshiiska nabadeed uu weli mugdi ku jiro.
Xamas ayaa sheegtay in wafdigeedu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Masar ee Qaahira, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Qatar si loo keeno Gaza teendhooyin dheeraad ah, sahay caafimaad, shidaal iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka — arrintaas oo ahayd dalabkooda ugu weyn maalmihii la soo dhaafay.
Bayaan ay soo saartay, Xamas waxay sheegtay in dhex-dhexaadiyeyaashu ay ballanqaadeen in “dhammaan caqabadaha la qaadi doono.”
Daqiiqado kadib, afhayeenka Xamas, Cabdul Laahiif al-Qanuu, ayaa khadka taleefanka ugu xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in saddexda maxbuus la sii deyn doono Sabtida.
Telefishinka qaranka Masar ee Qahera TV, oo si dhow ula shaqeeya hay’adaha ammaanka dalkaasi, ayaa ku warramay in Masar iyo Qatar ay ku guuleysteen xallinta khilaafka.
Labada dal ee Carbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay dhex-dhexaadinta Xamas, iyagoo fududeeyay heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay Janaayo, kadib 15 bilood oo dagaal ah.
Heshiiska xabbad-joojinta ayaa si kastaba wajahaya caqabado culus toddobaadyada soo socda.
Wajiga koowaad ayaa dhammaan doona horraanta bisha Maarso, lamana gaarin weli wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan wejiga labaad, kaasoo Xamas ay ku sii deyn doonto tobannaan maxaabiis ah, iyada oo Israa’iil laga doonayo in ay soo afjarto dagaalka.