Khamiis 13-02-2025 {HMC} Wasiirka Gashaandhiga Israa’iil ayaa Arbacadi wacad ku maray, in cadaab daran oodda laga qaadi doono, haddii Xamaas ay ku guul-darreysato sii deynta la heystayaasha dhammaadka todobaadkan.
Tani ayaa ah hanjabaadi u danbeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Isra’aail, xilli dhex-dhexaadiyaasha ay ku dadaalayaan sidi ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalin ah ee ay kala dhex dhigeen Israa’iil iyo Xamaas.
Muranka cusub ee halista ku noqday heshiiska xabbad-joojinta labada dhinac ayaa soo shaac baxay, kaddib marki ay Xamaas ku eedeysay Isra’il in ay jebisay qaar ka mid ah ballan-qaadyadii ay sameysay, oo ay ku jiraan in teendhooyin la gaarsiiyo barakacayaasha Gaza, in gargaarka lasoo geliyo iyo arrimo kale.
Xamaas waxay sheegtay in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha la filayay in Isra’il loo gacan geliyo Sabtida soo socota.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka digay, in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa isna hadalkaasi la mid ah ka dhawaajiyay Talaadadi, ra’iisul wasaaraha Isra’il, Banjamin Natanyahu.
Maxmuud Merdawi oo ah sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ay jiraan “calaamado wanaagsan” oo ah in saddexda qof ka mid ah la heystayaasha ee la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo, ay sii deyn toodo dhici doonto, laakiin tilmaamay in kooxdu aysan wali helin ballan-qaadkii Israa’iil ee ahaa in ay u hoggaansanto heshiiska.