Khamiis 13-02-2025 {HMC} — Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in mar kale ay xalay duqeymo diyaaradeed oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ka dhaceen aagga buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyaadka Daacish.
Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Shebaab oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda oo haatan cadaadis xooggan kala kulmaya Puntland.
Qoraal kooban oo kasoo baxay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeymaha oo laba ahaa lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka koxoda Daacish, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal iyo saanad.
Xubnaha la dilay ayaa waxaa ku jiray ajaaniib ka barbar dagaalameysay Daacish, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ay Puntland uga hadashay duqeynta xalay ka dhacday gobolka Bari.
Waxaa kale oo qoraalka lagu shegay in tirade xubnaha lagu dilay howlgallada ka socda gobolka Bari ay gaarayaan in ka badan 200 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, lana sii xoojin doono.
“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey deegaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir iyo Dhul” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada Puntland ay kusii siqayaan godadka ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda Daacish ee ku yaalla buuraha hoostooda.
Si kastaba, weeraradan dhanka cirka ah waxaa ka qayb-qaadanaya Mareykanka oo duqeyntiisii ugu dambeysay aagga Calmiskaad ka fuliyay kowdii bishaan, wuxuuna sheegay inuu ku dilay illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo muddola raadin jiray.