spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya & Kuwait Oo Ka Wada Hadlay Maareynta Xaaladaha Degdega Ah

Khamiis 13-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Ciidanka Dabdamiska Guud ee Dalka Kuwait, Major General Talal Mohammed Al-Roumi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada tababarrada, qalabaynta, iyo horumarinta adeegyada dabdamiska iyo gurmadka degdega ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha la xiriira guud ahaan maareynta xaaladaha degdega ah ee dabku ugu horreeyo iyo halisaha la xiriira nuucyada kala duwan ee musiibooyinka.

WARARKA