Khamiis 13-02-2025 {HMC} — Fagaare ku yaal magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah lagula fuliyey labo nin oo lagu helay in ay horay dil ugu geysteen gabar Soomaaliyeed.
Raggan dhallinyarada ah oo lagu kala magacaabi jirey Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo labaduba 20 sano jirro ah, ayaa lagu helay dilka Luul Cabdiladiif Macallin, taas oo toorrey lala dhacay, ka hor inta aan laga qaadan telefoonka gacanta oo nuuciisu ahaa Samsung A15, sida ay sheegtay maxkamadi.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo xukunka toogashada ka akhriyey goobtii lagu fulinayey, ayaa qisaastooda u cuskaday dil bareer ah oo ay 9-kii Fabraayo 2025 ay magaalada Baydhabo ugu geysteen marxuumad Luul.
Dacwad oogayaasha kiiskan ayaa markii hore ku andacoodey in marxuumadda la kufsaday ka hor intii aan la dilin, balse eedeysaneyaasha dambigaas waa lagu waayey.
Sayga marxuumad Luul oo goobta ka hadlay ka gadaal markii xukunka lagu fuliyey raggii diley xaaskiisa, ayaa dowladda Koonfur Galbeed uga mahadnaqay sida ay uga jawaabeen codsi uu u diray maalmo ka hor, kaas oo uu ku dalbaday in caddaalada la mariyo gacan-ku-dhiigleyaasha.
Ninkan oo magaciisa ku soo koobay Ilyaas, islamarkaana lugaha naafo ka ah ayaa warbaahinta la hadlay isagoo kor loo sido, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida dhakhsiyaha leh ee loo fuliyey xukunka.
Fagaaraha ay ka dhacday toogashada raggan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa garsooreyaashii riday xukunka, mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagey fulinta xukunka qisaasta ah.
Wasiirrada Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Koonfur Galbeed oo qisaasta ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa bogaadiyey laamaha ammaanka iyo cid walbo oo gacan ka geysatey soo qabashada gacan-ku-dhiigleyaasha, wuxuuna dhanka kale hay’adaha garsoorka ku ammaanay sida ay u dadajiyeen oofinta xukunka.
Wasiirrada ayaa dhankooda ballanqaaday in dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay fulinta caddaalada, si loo helo amni iyo kala dambeyn.
Dhacdada lagu diley Luul Cabdiladiif Macallin, ka dibna looga qaatay teleefoon nuuca gacanta lagu qaato ah ayaa soo jiitey dareenka dadweynaha, taas oo keentay in degdeg looga dabatago dadkii falkan geystey.
Gaboodfallada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha yaryar, ayaa indhawaalaba ku soo badanayey Soomaaliya, walow inta badan dhibbaneyaashu aysan caddaalad helin sida ay dad badani qabaan.
Ma ahan markii ugu horreysey ee xukun dil ah lagula fuliyo Baydhabo gacan-ku-dhiigleyaal geysta fal-dambiyeedyo indhaha dadweynaha soo jiitey.
Bishii May 2023, maxkamadda ciidamada ee gobolka Baay ayaa dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ku eedeysnaa in ay horay dilal uga geysteen magaalada Baydhabo. Waxaana lagu toogtey fagaare ku yaal magaalada Baydhabo oo ay goobjoog ka ahaayeen dadweyne badan.
Sidoo kale bishii Agoosto 2020, waxaa sidan oo kale goob fagaare loogu toogtey labo nin oo lagu helay in ay gudaha magaalada baydhabo kufsi u geysteen ilmo yar. Ragga la toogtey ayaa loo haystey in ay kufsadeen wiilal yaryar, falkaas oo dadweynaha Baydhabo aad uga gilgisheen islamarkaana dadajiyey xukunkooda.
Si kastaba ha ahaatee dilalka haweenka oo aan horay loogu aqoon bulshada Soomaaliyeed dhexdooda ayaa kiisas la xiriira u muuqdaan baryahaan in aad loo maqalyo meelo kala duwan oo Soomaaliya ah.