Khamiis 13-02-2025 {HMC} Mas’uuliyiinta sare ee amniga Puntland ayaa sheegay inay si buuxda ugu heellan yihiin la dagaallanka kooxda Daacish (ISIS), balse waxay ku booriyeen saaxiibadooda caalamiga ah inay bixiyaan taageero ciidan oo lagama maarmaan ah.
“Wax kasta oo aan hayno waan u huraynaa dagaalkan,” ayuu yiri Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, taliyaha Ciidanka Badda Puntland (PMPF).
“Laakiin si aan u sii wadno hawlgalladeenna oo aan u hubinno guusha, waxaan u baahanahay caawimaad farsamo qalab joojiya drones-ka, baarayaal miino iyo qalabka aragga habeenkii.”
Sarkaalkaan ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan doonayn faragelin ciidan oo toos ah oo shisheeye ah. Balse ay codsanayaan taageero dhinaca sahayda iyo xog-wadaagga ah si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish oo ka faa’iideystay dhulka adag ee gobolka Bari si ay u sii joogaan degaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa muddo bil iyo bar dagaal kula jirta kooxda Daacish oo tobankii sano ee ugu dambeeysay isku urursanaysay buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Waa mid kamid ah dagaalladii ugu adkaa oo ay Puntland la gasho kooxda Daacish.
Puntland waxay haatan Daacish ka sifaysay dhul boqolaal KM ah oo ay awal hore ka talin jireen, taasoo u sahashay inay saamayn ku yeeshaan dadka si ay uga qaadaan lacago baad ah.