spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Donald Trump oo Wacad ku maray in uu dhameynayo Dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Khamiis 13-02-2025 {HMC} — Washington — Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi sheegay, in uu si kala gooni gooni ah uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay, madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskiy, kuwaas oo uu sheegay in ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan xal nabadeed oo laga gaaro colaadda u dhaxeysa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu saraakiisha sare ee Mareykanka ku amray, billaabidda wadahadallo ay arrintan kala galaan Ruushka iyo Ukraine, si loo dhammeeyo dagaalka ka socda Ukraine.

Wadahadalladan ayaa yimid, saacado kaddib markii uu xoghayaha difaaca Mareykanka uu dalka Jarmalka ka sheegay, in xukuumadda Kyiv ay tahay in ay ka tanaasusho, himilooyinkii ay muddada dheer ku taameeysay ee ah, in ay ku biirto isbaheysiga militariga ee NATO iyo in ay dib u soo ceshato dhammaan dhulkii uu Ruushka ka qabsaday.

Tani ayaa muujisay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadihi Washington ee dagaalka Ukraine.

Madaxweyne Trump wuxuu wariyaasha ugu sheegay, in uu madaxweyne Putin uu kula kulmi doono dalka Sacuudiga dhawaan.

WARARKA