Khamiis 13-02-2025 {HMC} —Itoobiya ayaa Arbacadii loo doortay xubin ka tirsan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) intii uu socday shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababa, kaasoo mudadeedu noqon doonto saddex sano ah.
38-cod ayay Itoobiya ku guuleysatay Kursiga Bariga Afrika, iyadoo ka sareysa Rwanda iyo Soomaaliya oo helay hal cod iyo toban cod, guushan ayaa xoojinaysa joogitaanka diblomaasiyadeed ee Itoobiya ee hay’adda ugu saamaynta badan dhinaca amniga ee qaaradda, sidoo kalana ay dalkeedi ku taal Xarunta Midowga Afrika.
Xubinimada AUPSC waxay hadda Addis Ababa siinaysaa awood weyn oo ku aaddan arrimaha nabadda iyo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan, oo ah gobol ay astaan u tahay xasillooni darro joogto ah.
Doorashada Itoobiya ayaa ku soo beegantay xilli ay doonayso in ay kordhiso saamaynta ay ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Saraakiisha Soomaalida ayaa dhawaan xaqiijiyay in la xaliyay caqabadaha hor taagnaa in Itoobiya ay si buuxda uga qeybgasho AUSSOM, iyadoo la filayo in dhawaan lasoo gaba gabeeyo xogta ugu dambeysa ee qaabka iyo tirada ciidamada Itoobiya ee howlgalkaan kamid noqonaya.