spot_imgspot_imgspot_img

AI Garaadka Macmalka ah oo laga digayo Khatarta ka imaan karta.

Khamiis 13-02-2025 {HMC}  Madaxii hore ee shirkadda Google ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ay dhici karto in si xun loogu isticmaalo dagaal baayolojiyeed.

Eric Schmidt ayaa sheegay in haddii “argagixiso” ama dalal “kharriban” ay gacanta ku dhigaan garaad-macmal aad u xoog badan, ay dhici karto khatar weyn oo la mid ah tii Chernobyl.

Mr Schmidt wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumaduhu ay fahmaan waxa ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ka samaynayaan garaadka macmalka, ayna joogteeyaan qaab muraaqibayn ah.

Laakinse wuxuu ka digay in haddii laga badbadiyo xeerarka muraaqibaynta ay taasi ka xannibi doonto dalalka inay si buuxda uga faa’iidaystaan hanaanka garaadka macmalka ee IA.

WARARKA