spot_imgspot_imgspot_img

Aas Boosaaso Loogu Sameeyay Sargaal Ka Tirsanaa Ciidamada Puntland

Khamiis 13-02-2025 {HMC} Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa aas ballaaran loogu sameeyay sargaal katirsanaa ciidamada difaaca maamulka Puntland iyo askari kale oo lagu dilay howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay gaashanle Farxaan Cabdulqaadir Xassan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur , waxa ayna labadan askari dagaal adag la galeen maleeshiyaad katirsanaa kooxda Daacish oo weerar kusoo qaaday.

Saraakiil, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa ka qeyb galay aaska magaalada Boosaaso loogu sameeyay askartan ku dhintay howlgalka lagula dagaallamayo kooxda Daacish.

Saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsanaa maamulka Puntland , ayaa ku nafwaayay howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, waxaa sidoo kale dagaalka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamo kuwaa oo qaarkood dhaawacyadooda loo qaaday dalka dibadiisa.

Ciidamada Puntland ayaana guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, waxa ayna Puntland la wareegeen goobo badan ay horey u joogeen kooxda Daacish, waxa ay sidoo kale dileen in ka badan 100-xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish.

WARARKA