Arbaco 12-02-2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ayaa shalay gaaray heshiis xal looga gaarayo dayn dhan $257 milyan oo doolar.
Dayntaas oo ay dowladii dhexe ee Soomaaliya qaadatay kuna maal-galisay mashruucii Warshadii Sokorta Jubba, ayaa wada-xaajood muddo dheer socday kadib maanta si rasmi ah heshiis looga gaaray.
Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula fal-galo ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu dhabaha u xaaraya helista maal-galin cusub oo dib loogu maal-gelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaas oo baahi wayn loo qabo.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd maal-galin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka kadib markii laga cafiyay deymhii adduunku kulahaa.
Daba-yaaqadda sanadkii 2023-kii ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.