Arbaco 12-02-2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in howlgalka ka socda Gobolka Bari gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad ay ku qabatay teleefanno lacago badan ay ku heysatay Kooxda Daacish ee dagaalka adag kula jirto.
Puntland ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka ku jira markii ay qabteen teleefannada xubno ay ku dileen dagaalka socda ay baareen teleefannadooda kaddibna ay ka heleen Simikaaro qaarkood ay ku jiraan lacago badan.
Mid kamid ah Simikaarrada ay Puntland soo bandhigtay waxaa ku jira lacag gaareysa 180 kun oo doollar iyada oo aanay jirin faah-faahin intaas dheer oo ay ka bixisay sida halka lacagtaas kasoo gashay, qofka sida gaarka ah u maamulayay iyo su’aalaha kale ee Dadka ku taagan.
Mas’uuliyiinta qaar ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku warramay in lacagtaasi ay tahay mid si qasab ah Kooxda Daacish uga soo qaadday Ganacsatada Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas si ay isugu maareyso sida ay hadalka dhigeen.
Dagaalka ka socda Gobolka Bari si gaar ah dhulka buuraleyda ah ayaa sii xooggeystay maalmihii lasoo dhaafay, Puntland waxa ay soo bandhigtay sawirrada ajaanib ay ku dishay howlgalladii ugu dambeeyay halka dhankooda ay ka dhaawacmeen saraakiil iyo ciidamo.