Arbaco 12-02-2025 {HMC} Bayaan ay soo saareen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaafin dheeraad ah ka bixiyey duqayn dhanka cirka ah oo kowdii bishan Febraayo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland, waxaana lagu sheegay in saraakiil muhiim ah lagu bartilmaamaysaday.
Bayaanka waxaa intaa la raaciyay in duqaynta oo lala kaashaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, uu talisku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya 1-dii Febraayo, 2025, waxaa si toos loo beegsaday hoggaanka sare ee Daacish oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.
Taliska ayaa hadda shaaciyay in dhowaad 14 ka mid ah xubnaha Daacishta Soomaaliya ay ku dhinteen duqeymahaas, iyada oo aan dad rayid ah waxyeello gaarin.
Africom waxa ay xaqiijisay in Kuwa ku dhintay uu ka mid ahaa “nin lagu magacaabay Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista jihaadiyiinta gudaha Mareykanka iyo Yurub.”
Warkaan ka soo baxaya taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in “hoos u dhigista awoodda Daacish iyo ururrada argagixisada kale ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada khatarta ku ah dhulka Mareykanka, xulufadiisa iyo shacabka ay weli yihiin kuwa ugu muhiimsan ee Taliska uu qaadayo.”
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ba’an kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish oo ay ajaaniib ku jiraan.