Arbaco 12-02-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay caawa duqeymo ka fuliyeen saldhigyo kooxda Daacish ay ku leeyihiin Buuraleyda Calimiskaad.
Labo duqeyn oo lala beegsaday Kooxda ISIS ayaa waxaa ay si gaar ah ugu dhaceen deegaanka Shebaab ee gobolka Bari, waxaana la sheegay in duqeymaha lagu dilay dagaalameyaal badan oo ka tirsanaa Daacish.
War kooban oo caawa ka soo baxay Taliska howlgalka ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymaha lagu dilay ilaa 30 dagaalame oo ka tirsanaa Daacish halka gaari saad u waday kooxda la gubay.
“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul”ayaa lagu yiri qoraalka.
Duqeymahan ayaa ku soo aadaya xili Buuraleyda Calimiskaad uu ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.
Ma cadda cida fulisay duqeynta, balse waxaa inta duqeymaha Punrland ka taageera dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka.
Taliska AFRICOM ayaa saacado ka hor sheegay in duqeyn ay kowda bishan ka fuliyeen Buuraleyda Calimiskaad ay ku dileen hoggaamiye sare ee kooxda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Maeleninine, waxaa uuna ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista maleeshiyaadka Daacish ee gudaha Mareykanka iyo Yurub.