spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Masar oo War Kasoo Saartay Barakicinta Gaza

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa sheegtay in dib u dhis lagu sameyn karo Magaalada Gaza iyada oo aanay la barakicin Shacabka Magaaladaas degen ee dhowaan dib uga soo laabtay colaaddii ugu waqtiga dheereed ay la kulmaan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in ay dhinac taagan yihiin hannaan weliba oo dib u dhis ah iyada oo loo marayo nabadgalyo iyo in aan la sal kicin ama la dhibaateen Dadka Magaaladaas.

“Waa wax wanaagsan oo qurux badan haddii dib loo dhisayo Magaalada Gaza, Trump waxa aan ku raacsanahay dib u dhiska Magaaladaas balse kuma taageersanin in la barakiciyo Dadkaas xaaladaha adag soo maray, Gaza dib waa loo dhisi karaa iyada oo aan la barakicin Dadkeeda” Ayaa lagu yiri warka kaoso baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Masar ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay qorshe weliba oo loo marayo hannaanka wanaagsan ee nabadgalyada, waxa ay walaac ka muujisay in hadallada adag ee la is dhaafsanayo ay burburiyaan xabbad-joojinta waqtiga badan la geliyay.

Xukuumadda Qaahira ayaa biya kama dhibcaan ka dhigtay xuquuqda Dadka Falastiin oo ay sheegtay in ay u baahan yihiin Dowlad awood buuxda leh oo ka shaqeysa horumarkooda iyo jiritaankooda Mustaqbalka sida hadalka loo dhigay.

Masar oo eedeyn culus kala kulantay dagaalkii Israa’iil ay ku qaadday Magaalada Gaza sabab la xiriirta in ay is hor istaagtay gargaarkii u gudbi lahaa Dadkaas ayaa haatan waji kale lasoo baxday, waxa ay si cad u diiday damaca Trump ee ka dhanka ah Magaaladaas.

WARARKA