spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Dowladda Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay D. Xarardheere

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan AS.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in AS ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xoreeyey kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadaad.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay dileen xubno ka tirsan kooxda, sidoo kalena ay burburiyey dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen AS.

WARARKA