spot_imgspot_imgspot_img

Africom Oo War Kasoo Saartay Duqeymo Ka Dhacay Buuraleyda Gobolka Bari

Arbaco 12-02-2025 {HMC} War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee jooga Afrika, ee Africom ayaa lagu faahfaahiyay howlgalada ka dhanka ah D~C ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedyadii dhawaan ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntlanad.

“Taliska Africom oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii febraayo ee sanadakan 2025 wuxuu howlgala lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada daacish ka fuliyay buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen oo qayaas ahaantii 50 mile dhanka koonfur bari kaga beegan magaala xeebeedka Boosaaso” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Africom.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in 14 xubnood oo ka tirsanaa daacish lagu khaarijiyay howlgalkaasi, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.

Africom ayaa cadeysay in xubnaha la dilay uu ku jiray horjooge sare oo u qaabilsanaa daacish qorista,xubnaha, dhinaca dhaqaalaha, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Axmed maleninine oo Africom sheegtay in uu masuul ka ahaa in xubnaha uu u safriyo wadamada yurub iyo mareykanka sida qoraalka lagu sheegay.

Hadalka Africom ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogeysanayeen howlgalada ka dhanka ah daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo lagu gaarsiyay dhimasho iyo dhaawac, iyagoo laga qabsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen dagaalka.

Tani ayaa qeyb ka ah qorshe dowladad Soomaaliya ay ku doonayso in guud ahaan dalka looga sifeeyo AS & D~C ,waxaana howlgalo lamid ah ay ka socdaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

WARARKA