Talaado 11-02-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ayaa sheegaya in saakay ay xiisad dagaal markale laga dareemayo degmada, halkaas oo laba Maalin oo xiriir ah uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada dega
Dagaalkii shalay ayaa waxaa la sheegay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhowaad 10 ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo Dad Shacab ah oo ku sugnaa degmada Luuq sida aynu kasoo xiganay laamaha caafimaadka Degmada.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalladii socday labadii Maalmood ee la soo dhaafay lagu gubay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah, iyada oo weli ay xiran yihiin Goobaha Ganacsiga iyo Waxbarashada ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Waxa jira dadaalo ay sameenayaan Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland kuwaasi oo ku baaqaya in la joojiyo dagaal Beeleedyada, isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal, hayeeshee dhinacyadu aysan weli u hoggaansamin baaqaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhinacyadii dagaalamay ay weli halkaasi isku hor-fadhiyaan, isla markaana maskasta la filan karo inay dagaalamaan.