Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan & Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Bin Ibraahim ayaa ku heshiisay 11 qodob oo muhiim u ah labada Shacab kaddib wadahadallo saacado badan u socday labada dhinac.
War lagu daabacay barta Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in heshiisyadaas la galay ay kamid ahaayeen mid ku kacaya $10 Bilyan oo Doollar oo lagu sameynayo mashaariic isku dheelitiran oo labada Dal faa’iido wadaag ku noqonayaan.
Erdogan oo Khudbad jeediyay gunaanadka heshiisyadaas ayaa sheegay in Dowladaha Turkiga iyo Malaysia horay u lahaayeen iskaashiga Ganacsiga isku dheelitiran oo ku kacayay $5 Bilyan oo doollar, wixii hadda ka dambeeyanaya ku kordhiyeen Shan kale.
“Turkiga & Malaysia waxa ay qaanad uga wada jiraan horumarinta maalgashiga, waxa aan ballaarinay dhaqaalihii nooga baxay mashaariicda oo ahaa $5 Bilyan oo doollar waxaana gaarsiinay $10 Bilyan, waxa aan rajeynayaa Maalgalin guuleysata oo sii xoojisa tan horay u jirtay” MW Turkiga Recep Erdogan
Madaxweynaha Turkiga ayaa dhanka kale soo gabagabeeyay safarkiisa Malaysia, waxa uu usii safrayaa Dalka Indonesia halkaas oo sidoo kale kula kulmi doonno Madaxda Dalkaas, kaddib Pakistan ayuu ka casuuman yahay sida jadwalka safarkiisa uu yahay.
Erdogan ayaa marka uu ka dhex baxo booqashadiisa Aasiya waxa uu usoo jiheysan doonnaa Qaaradda Afrika isaga oo socdaal ku mari doonna Dalalka dhaca Geeska gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo halkaas oo kula kulmi doonno madaxda labada Dal.