Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir telefoon la sameeyay Amiirta Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Aala-taani waxa ay kawada hadleen xaaladda Gobolka iyo Xiriirka labada Dal.
Qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim sidoo kale ay isku soo hadal qaadeen taageerrada Dooxa ee dhiggeeda Muqdisho si sare loogu qaado.
Qatar waxa ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan sida dib u dhiska waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye oo Shabeelaha Hoose ah Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo dhabbaha dheer ee Balcad Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dhismaha waddada ayaa weli qabyo ah inkasta oo la dhisay inta badan waddooyinkaas, waxaa kale oo weli qabsoomin mashaariic kale oo Xukuumadda Dooxa ay horay ugu ballanqaadday Soomaaliya si looga faa’iideysto.