spot_imgspot_imgspot_img

Maxay Ka Wada Hadleen Laftagareen & kaaliyaha Agaasimaha Guud Hay’adda FAO Ee Afrika ?

Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey kaaliyaha Agaasimaha Guud Hay’adda FAO ee Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel, oo uu wehliyo Wakiilka FAO Soomaaliya, Etienne Peterschmitt.

kulanka Qaabilaada oo ay fadhiyeen Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay Mashaariicda Hay’adda FAO ka Wado guud ahaan Koonfur Galbeed iyo sidii loo hirgelin lahaa Mashaariic hore leh oo loogu Adeegayo Bulshada ku nool Guud ahaan Koonfur Galbeed.

WARARKA