Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in aan awood lagu rari shacabka magaalada Qaza, isaga oo tilmaamay in shacabka Falastiin ay leeyihiin goobaha Daanta Galbeed, iyo Bariga Quddus.
“Ma jirto cid awood u leh inay dadka Qasa ka saarto dalkooda daa’imka ah, kaasoo jiray kumannaan sano, Falastiin, oo ay ku jiraan Gaza, Daanta Galbeed, iyo Bariga Quddus, waxaa iska leh Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Erdogan.
Erdogan ayaa sidoo kale Hamas ku amaanay fulinta balamihii ay qaaday ee maxaabiista is weydaarsiga ah ee Israel, inkastoo Israa’iil ay isku dayday inay buriso.
Soo jeedinta Madaxweynaha Mareynkanka ee Qasa, ayaa caro ka abuurtay dunida, iyada oo baaqyo ay dirayaan Madaxda Sare ee Caalamka.