Talaado 11-02-2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Cali Yuusuf Axmed ayaa maanta ka sheegay Qaahira in dagaalka daba-dheeraaday ee Suudaan uu ku dhowyahay heer gabagabo ah, isagoo sabab uga dhigay guulo la taaban karo oo militeriga ay ka gaareen kooxda RSF , ee ku sugan caasimadda Khartuum.
Muxuu ka dhiganyahay hadalka?
Ciidanka militariga Suudaan , ayaa tan iyo markii uu dagaalka bilowday, waxay ku dhowyihiin inay si dhammeystiran u maamullan magaalada Khartuum iyo isgosyada ay ku jiraan buundooyin la isaga gudbo gobollada Suudaan ee istaraatijiga ah, markii u horreysay ayaanna la arkaya RSF oo isaga baxaysa saldhigyada ay ku soo duullaan ciidanka militariga, tani oo ka dhigan inay badan tahay suragalnimada inay militariga Suudaan soo gabagabeeyaan gacan ku heynta Suudaan , illaa toddobaadkii hore laga maqlay taliyaha guud ee Suudaan , Cabdifatax Burhaani inay soo dhisayaan xukuumad rayid ah, tallaabo lagu muujinayay guusha ay dagaalka ka gaareen militariga!
Xaggee ka yimid burburka RSF?
Kooxda RSF, waxay ku dhawaad dhexda uga jirtaa inay la kullanto burburkii ugu xooggana oo dhalin kara in joogitaankooda laga waayo Suudaan oo xataa gobolka ay ka yimaadeen ee Darfuur uu ku jiro , halkaa oo ay hadda u muuqdaan inay dib ugu laabanayaan, si loo caddeeyo; RSF waxay la kulmaysa xaalad dhaqaale burbur , ma jirto qori kasta oo rasaastu ka dhammaato cid dib u cabeyn karta, kaddib markii kooxdan ay luntay taageerrada ay heli jireen, waxaa kalo lumay xiriir isgaarsiinta ee kooxdan , tan oo aan jirin wax sharraxad ah oo la helay waxayna saraakiisha kooxdan u sarreysay go’aansadeen inay qaarkood is dhiibaan, kuwa kalena deegaannadii ay ka soo jeedaan ee Darfuur dib ugu laabtaan.
Dhibaatada oo dhan waxay ka dhalatay, markii ay qarsoomeen hoggaamiyihii ugu sarreeyay RSF, Maxamed Xamdan Dagalo iyo xubnihii xiriirka caalamiga ah kooxdan u qaabilsanaa, ma jirto cid si cad u xaqiijisay xaaladda uu ku suganyahay Dagalo oo ay badan tahay suragalnimada inuu isaga baxay Suudaan, isagoo aan wax wargelin ah siin saraakiisha militari ee RSF. Waxaan sidoo kale loo helin sharraxaad haddii Dagalo uu khiyaamay kooxdiisa ama uu wajahayo xaalad uusan waxba ka qaban karin..!
Sidee lagu gaaray guusha Suudaan?
Dagaalka Suudaan ayaa ku bilowday 15 April 2023, iyadoo burbur xoog leh la gaarsiiyay ciidanka militariga Suudaan ee u hoggaaminayay, Cabdifatax Burhaani, markaa ma jirin dheeli-tir oo RSF ayaa ahayd ciidda helaysay khad taageerro iyo sahay dibadda ah oo aan kala joogsi lahayn, taa oo lumisay awooddii militariga Suudaan, xaaladan ayaa ku riixday Burhaani, inuu raadiyo xiriir iyo taageerro caalami ah, ma jirto awood uusan hortagin, laga billaabo xulafada Mareykanka ee Carabta oo Sacuudiga ugu horreeyo, kuwan oo markii hore iskuday wada-xaajood in dagaalka lagu joojiyo, taa oo aan shaqeyn, xaaladan waxay tustay Burhani, inay noqon doonaan kuwa laga saaro Suudaan haddii aysan helin taageerro militari oo dhab ah, wuxuu bilowgii si qarsoodi ah u booqday , Ruushka, Iran iyo Shiinaha , gaar ahaan Iran iyo Ruushka , waxay gacanta u geliyeen nooc kasta oo hub uu u baahna, waana markii la arkay dheeli-tirka dagaalka.
Burhani, ayaa sidoo kale ku soo daray ciidanka kooxo dagaallamayaal horleh oo lagu tababaray Eritrea, wuxuuna soo dhaweeyay qof kasta oo u dagaallami kara, markaa oo ay si yar u billaaban militariga inay iska caabbiyaan RSF, oo dhankooda xasuuq, dhac iyo gabood-fallo kula kacayay dadka deegaannada ay maamullayeen, taa oo dhalisay nacayb ay dadka Suudaan u qaadeen RSF oo kuwa badan ku qasabtay inay hubka qaataan, waana marka ay taageerro dadweyne heleen militariga oo goobaha ay ka taliyaan oo ay ku jirto magaalada istaraatijiga ah ee Port Sudan , dib usoo celiyay adeegyada dadweynaha, wax walbase waa ay isbeddeleen markii militariga ay billaabeen inay ku dagaallamaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu burburiyay saldhigyada iyo xarumaha saadka ku soo gaarayay RSF oo garoommada diyaaradaha ay ku jireen.
Wuxuu qaaday tallaabo kale, Burhani waana inuu diiradda saaray sidii loo cadaadin lahaa Imaaraadka Carabta oo uu ku eedeyay inay taageerrayaan RSF, markaa oo uu dacwad ka dhan ah Abu Dhabi u gudbiyay golaha ammaanka oo ay xigtay inuu booqday Ankara , halkaa oo uu kula kulmay dabayaaqadii sannadkii hore Erdogan, wuxuuna usoo bandhigay inuu gacan ka siiyo sidoo RSF garabkooda looga saari lahaa Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya , tan oo dhacday, kaddib markii Imaaraadka uu arkay in goobta dagaalka lagu burburiyay RSF, sabab la xiriirta taageerrada , Ruushka, Iran, Masar, Sacuudiga, Turkiga illaa Shiinaha ay ka heleen militariga , kaddib Erdogan ayaa soo baxay isagoo sheegay inu dhex dhexaadinayo Sudan iyo Imaaraadka Carabta , tan oo lagu gaaray inuu booqdo Port Sudan , Abiy Axmed oo ay xigtay wada-hadal ay telefoonka ku yeesheen Burhani iyo madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Mohamed bin Zayed.
Hadda waxaa luntay in laga hadlo inay dagaallami karaan RSF, taa beddelkeeda halka mustaqbalkooda ku dambeyn doono ayaa billaabatay in toddobaadkii u dambeeyay la is waydiiyo , kaddib markii saraakiisha sare ee RSF ay billaabeen inay isku dhiibaan militariga , kuwa kalena ay isaga baxeen Khartuum iyo goobaha istaraatijiga ah..!