Isniin 10-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.
Trump oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda ay raacaan madaxweynayaasha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga ah Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.
Trump, ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidaan oo kale boqolkiiba 25 oo canshuur ah saaray biraha halka 10% u uku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluuminiyamta, hase yeeshee marki danbe ka khafiifiyay biraha iyo aluminiyamta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico iyo Brazil.
Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in uu sare u qaadi doono canshuurta is dhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonto xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax is weydaartaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in taasi ay billaabato.
Ma uusan magac-dhabin dalalka uu ku billaabi doono canshuur kordhintan.