spot_imgspot_imgspot_img

Sarkaal Maalmo Ka Hor Qabtay Drones Qarax Lagu Soo Xiray Oo Geeriyooday

Isniin 10-02-2025 {HMC} Sarkaal lagu magacaabo Jiib Gurey Bootaan oo kamid ahaaa saraakiisha ciidamada Puntland ee dagaalka uga jira buuraha Calmiskaad ayaa u geeriyooday qarax miino oo la kacay.

Sarkaalkaan ayaa 24 saac ka hor baraha bulshada laga sii daayay isagoo sheegayay inuu gacantiisa ku qabtay diyaarad Drones ah oo ay qaraxyo ku xiran yihiin. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maalmo ka hor ku ammaanay sarkaalkaan geesinamadiisa.

Sarakalkan ayaa la sheegay in ay la kacday miino dhulka lagu aasay oo uu isku dayay inuu bannaanka usoo saaro. Waxaa la sheegay inuu kamid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ee miino saarista u qaabilsanaa ciidamada Puntalnd ee dagaalka kula jiray kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa saraakiil iyo boqolaal askari ku weyday dagaalka ay kula jirto Daacish, kaasoo soo bilowday dabaqaayadii bishii December ee sannadkii tagay.

Xalay, 5 askari ayaa ku dhaawacmay 7 qarax oo lagu soo xiray diyaaradaha Droneska, kuwaas oo ay kooxda Daacish la eegatay ciidamo katirsan Puntland oo ku sugnaa Togga jacayl.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii 5 askari ay ku geeriyoodeen qarax miino oo lala eegtay gaari ciidan oo ay la socdeen.

WARARKA