Isniin 10-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeyb galay Shirka La-tashiga Hay’adaha Dastuurka ee heer Dowlad Goboleed iyo Maamulada kale ee dalka, kaasi loogu hadlayo soo jeedinta Wax ka bedelka cutubta 5-aad illaa 9-aad iyo dhameestirka Dastuurka KMG ee dalka.
“rabitaanka iyo doonista siyaasadeed ee bulshada Gobolka Banaadir ee la xiriirta MAQAAMKA IYO MATALAADDA waa in Magaalada Muqdisho ay noqoto Maamul Dawlad Goboleed buuxa ah, sidoo kalena ay ugu yaraan Aqalka sare ku yeelato kuraas matalaadeed oo dhan 21 Sanatar” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda uu Dhameestirka Dastuurka u leeyahay Qaran dhiska dalka iyo Dawladnimada asigoona ka codsaday hey’adaha Dawladda ee u xilsaaran Dastuurka in ay tixgeliyaan doonista iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa lagu soo bandhigi doonaa warbixinta qabyo Qoraalka Cutubyada 5aad ilaa 9 aad ee la filayo in la horgeeyo labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo dhameystiro Dastuurka dalka.