spot_imgspot_imgspot_img

Meedadka Tahriibayaal lagu Aasay xabaal-wadareed oo la Helay

Isniin 10-02-2025 {HMC} Koofurta Liibiya waxaa lagu arkay labo god oo lagu aasay Dad muddo la raadinayay oo Dalkaas u tagay in ay uga sii tahriibaan qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga iyaga oo safar dheer ku maraya Badda Mediterranean sida ay sheegeen saraakiil katirsan Qaramada Midoobay.

Si dhab ah looma sheegin xogtooda oo dhammeystiran maadaama ay jiraan raadinaya xubno katirsan ehelkooda oo ugu war dambeysay iyagoo tahriib u tagay Waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee Liibiya.

Tirada dadkaan waxaa lagu sheegay in ay gaareyso 50 qof waxaana laga helay labo god oo waaweyn, dadkaan ayaa markii godadka la geliyay lagu dul shubay ciid ama carro dadka qaar sida ay u garanayaan taasina si fiican uma asturin.

Waxaa ka horreeyay 19 ruux oo Jimcihii Maydkooda laga helay Magaalada Kufra ee Koofurta Liibiya, dadkaas ayaa la baadigoobayaa dhalashadooda si loo ogaado Dalalka ay u kala dhasheen, waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in sanado kahor dadkaan lagu dilay Liibiya, waxaa loo badinayaa in ay naftooda ku waayeen ciqaabtii ay marinayeen kooxaha loo garanayo Magafayaasha ee ciqaabi jiray si ay lacago uga qaataan ehelkooda.

Soomaali ayaa kamid ah dadka u tahriib tagi jiray Liibiya inkasta oo aan la xaqiijin in ay ku jiraan Dadka maydadkooda la helay, waxaa socda baaris looga gungaarayo si loo ogaado dhalashadooda loona geliyo diiwaanka Qaramada Midoobay.

WARARKA