spot_imgspot_imgspot_img

Maxkamda Ku Taalo Congo oo la Soo Taagay 75 Askari oo Kasoo cararay Dagaalka Gobollada Bari

Isniin 10-02-2025 {HMC} Xafiiska dacwad-oogista maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Congo ayaa Axaddii shalay sheegay, in maanta oo Isniin ah maxkamad lasoo taagayo ilaa 75 askari oo lagu eedeeyay in ay kasoo carareen dagaalka gobollada bari ee dalkaasi.

Askartan ayaa lagu eedeeyay in ay isaga soo baxeen furimaha hore wax yar ka hor inta aysan fallaagada M23 la wareegin gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu ee bariga Congo.

75-ka askari ee wajahaya maxkamadeynta ayaa la xiray iyaga oo ka cararay jiida hore ee dagaalka, kadib qabsashadi deegaanka Nyabibwe. Waxaa lagu eedeeyay kufsi, dil, bililiqo iyo kacdoon, xafiiska dacwad oogaha militariga ayaa u sheegay Reuters.

Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in magaalada Goma ee caasimadda Kivu ay ka dhaceen gaboodfallo dhowr ah oo ay ku jiraan, dil wadareed, kufsi wadareed, addoonsi galmo iyo xad-gudubyo kale oo ka dhan ah aadanaha, kuwaas oo ay ka dhacay gobolka Kivu, gaar ahaan Goma.

Dagaalyahannada M23, ciidanka dowladda Congo iyo malleeshiyaadka tagaeersan dowladda, ayaa dhammaantood lug ku lahaa gaboodfallada, sida uu sheegay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

WARARKA