spot_imgspot_imgspot_img

Maxay Ka Wada Hadleen DS Iyo Wafdi Ka Socda Hay’adda IOM ?

Isniin 10-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay wafdi ka socda hay’adda IOM oo uu hoggaaminayey Manuel M Pereira- oo ah madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo khuburada Wasaaradda qaarkood, ayaa looga wada hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda IOM, iyadoo Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ay uga mahadcelisay hay’adda IOM wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska Iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

WARARKA