spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweeyna African Ah oo Masuuliyanta Dalkiisa Ka Mamnuucay Safarrada aan muhiimka ahayn & Diyaaradaha qaaliga ah

Isniin 10-02-2025 {HMC}  Madaxweynaha Ghana John Mahama ayaa madaxda dalkaas ka mamnuucay in ay aadaan safarrada aan muhiimka ahayn iyo inay raacaan diyaaradaha qaaliga ah si loo beeqaamiyo dhaqaalaha Dalkaas sida uu hadalka u dhigay.

John Mahama ayaa sidoo kale Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee safreysa ku wargeliyay in ay marka ay safar aadayaan la socodsiiyaan waaxda sida gaarka ah loogu talagalay in ay diiwaangeliso si loola socdo dhaqaalaha baxaya.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in safar weliba uu noqdo mid la ogyahay xogtiisa kahor in aan loo ambabixin si looga go’aan gaaro muhiimadda uu leeyahay, dhaqaalaha ku baxaya iyo muddada uu qaadanayo socdaalkaas.

70% Lacagta ugu badan ee Ghana ka baxda waxaa lagu qarash gareeyaa safarrada madaxda iyaga oo raaca Diyaaradaha qaaliga ah, taasi waxa ay abuurtay falcelin ka timid bulshada oo la xiriirta in wax laga qabto arrintaas.

“Mas’uuliyiinta Dowladda & Xukuumadda waxaa ka mamnuuc ah Safarrada aan muhiimka ahayn iyo Diyaaradaha qaaliga ah, waxa aan soo jeedinayaa in la diiwaangeliyo safarka hadii uu yahay mid waxtar leh” Ayuu yiri Madaxweynaha Ghana John Mahama.

Bulshada Ghana waa 34.12 Milyan sida lagu sheegay tirakoobka Bangiga Adduunka uu shaaciyay sanadkii 2023kii, dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa wada dedaallada uu ku xoojinayo ka gungaarista ka maaranka lacagaha amaahda ah (Daynta ah).

WARARKA