spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne Deni oo shir gudoomiyay Kulan ka dhan ahaa kooxda Daacish.

Isniin 10-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Kulan ay yeesheen labada Gole ee maanulka Puntland oo ku saabsan hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Kulanka ayaa lagu boggaadiyey guulaha laga gaaray hawlgalka wejiga koowaad iyo bilowga wejiga labaad, waxaana laga tacsiyeeyay Ciidanka Geesiyaasha ah ee ku shahiiday intu hawlgalka socday, Iyadoo inta dhaawacantayna loo rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada ka shaqeenayey hawlgalka iyadoo qorshuhu yahay dhakhso in lagu soo afjaro inta yar ee firxadka ah ee ka hartay Argagixisada Daacish, Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida goor horeba shacabkeenu u muujiyeen isku duubni iyo garab istaag Ciidan, isagoo muujiyey in ay tahay wax loo baahanyahay in dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacaba qof walbo xil gaar ah iska saaro halganka lagu jiro, “qofna yuu qof ku haleyn” wixii la xiriira sifeynta Argagixisada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Gen. Bashiir Ameerico, xubnaha Goleyaasha Dowladda ee ku sugan Boosaaso, Guddiga taakuleynta hawlgalka, Saraakiisha Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, la taliyeyaal Madaxweyne iyo xubno kale .

WARARKA