spot_imgspot_imgspot_img

Laftagareen oo Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Axad 09-02-2025 {HMC} Madaxweynaha DowladdaGoboleedka Koonfur Galbeed Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada.

Hindise Sharciyeedkaan ayaa waxaa diyaarisay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Hindise Sharciyeedkan ayaa ah mid ku Salaysan Xoojinta Iskaashiga, Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.

“Aad baan ugu faraxsannahay in aan u sameyno sharci, gargaarka Bani’aadanimada oo dadka tabaaleysan loogu tala galay sida ay ahayd in uu ku gaaro, sharci ilaaliyo kana warhaayo”. ayuu yiri, MW Cabdicasiis Laftagareen.

Dhanka kale, Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah.

Hindise Sharciyeedkan ayaa ah mid ku Salaysan in la xoojiyo Iskaashiga, Ilaalinta Gargaarka iyo Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.

WARARKA