spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo Diidan Qoondada Laga Siiyay Howlgalka Cusub ee Midowga Africa.

Axad 09-02-2025 {HMC} Itoobiya ayaa diiday qoondadii dowladda Faderaalka ah u qorshaysay howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya iyo goobaha loo qorsheeyay iney ka howlgalaan ciidanka Itoobiya.

Dowladdu waxa ay rabtay saldhigyada Ciidanka Itoobiya in lagu wareejiyo ciidamo ka socda Uganda.

Itoobiya wafdi ayay u dirtay Uganda, waxayna ka codsatay in aysan aqbalin in lagu badalo booska Itoobiya. Uganda iyo Itoobiya waa isku raaceen qorshahaas.

Itoobiya waxay sidoo kale cadadaadis ku saartay madaxda Koonfur galbeed in aysan aqbalin in ciidanka Itoobiya ka baxaan Baydhabo iyo Xudur. Wali macada go’aanka Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u safray Kampala si uu Musavani ugu qanciyo in ciidanka Uganda la geeyo saldhigyada ciidanka Itoobiya ee Gedo, Bay iyo Bakool hase ahaatee Madaxweynaha Uganda waa ka cudur daartay qorshahaas sida wararku sheegayaan

Howlgalkan waa kii ugu dhibka badnaa, waxaana laga cabsi qabaa in ciidanka Africaanka ah loo waayo lacag la siiyo sababtoo ah Trump oo joojiyay taageeradii uu siin jiray wadamada Africa.

WARARKA