Axad 09-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hal-abuure Asad Xaajiyoow oo ka mid ah Hal Abuureyaasha Soomaaliyeed ee Baraha Bulshada.
Kulankan soo dhaweynta ah ee ay Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ugu sameysay xarunta Wasaaradda waxaa ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Mohamed Osman Omar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar, waxaana Wasiirka ay ku dhiirigelisay Hal-abuure Asad Xaajiyoow go’aannada geesinimada leh ee uu noloshiisa ku maareeyey kadib dhaawacii AS oo uusan is dhiibin.
Dhinaca kale Hal-abuure Asad Xaajiyoow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya soo dhaweynta ay ugu sameysay xarunta Wasaaradda iyo dareenka damqashada leh ee ay u muujisay