Axad 09-02-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, kasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka, waxaana ku dhaawacmay 2 ruux oo kale.
Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa haatan wada dadaalo ku aadan daminta dagaal beeleedkaan khasaaraha kala duwan geystay.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan maleeshiyo beeleed ayaa kuso aadaya, iyadoo dhawaan uun heshiis nabadeed la kala dhex dhigay beelaahaan walalaaha ah ee wada dega degmadaas.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Degmada Luuq oo ku aadan dagaalka maanta markale dib uga soo cusboonaaday magaalada Luuq ee gobolka Gedo.