Axad 09-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dalal kale oo Turkiga ka taageeray wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii 6-dii Febraayo, 2023.
Maamuuskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Magaalooyinka iyo Isbadalka Cimilada.
Munaasabad lagu xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka ayaa lagu qabtay Gobolka Adiyaman, Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Soomaaliya.
Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay in Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba shacabka Soomaaliyeed garab taagan tahay, si lamid ah sida ay u soo garab istaageen markii uu haleelay dhul gariirkii dadka badan galaaftay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa salaan u diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa.
Erdogan ayaa dowladaha lagu casuumay uga mahad celiyey garab istaagooda, sidoo kale kulankaan ayaa lagu gorfeeyey sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.