spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Axmed Madoobe Oo Booqday Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Maamulka Jubaland

Axad 09-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda, isagoo u kuurgalaya habsami u socodka shaqooyinka Wasaaraddaha.

Madaxweynaha ayaa kormeerka ku tagay Wasaaraddaha Kala ah Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka, Biyaha iyo Tamarta, Xanaanada Xoolaha, Howlaha Guud,Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Beeraha iyo Waraabka, Badroolka iyo Macdanta.

Intii uu kormeerka socday, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay howlwadeennada Wasaaraddaha inay dadaalkooda laba jibaaraan, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

Kormeerkan shaqo uu sameeyay Madaxweynaha Jubbaland , ayaa imaanaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay aan muuqiisa la arag kaddib safar uu uga soo laabtay dalka Kenya.

WARARKA