spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamo la wareegay guriga hooyooyinka iyo Xiisad culus oo halkaas ka taagan.

Axad 09-02-2025 {HMC} Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saaka tegay guriga hooyooyinka, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay xoog ku galeen dhismaha guriga, iyaga oo gebi ahaan la wareegay maadaama uu maalmahaan ka taagnaa muran u dhexeeyay ururka haweenka iyo wasaaradda haweenka iyo xuquul insaanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada saaka ku jarmaaday guriga hooyooyinka ay xireen qaar kamid ah gabdhihii ku sugnaa guriga, kuwaas oo loogu tegay xafiisyadooda.

Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo wareysi bixisay ayaa si adag uga hadashay falkan, waxayna sheegtay in ciidamo uu soo diray ra’iisul wasaaraha ay soo weerareen gurigooda, ayna xireen qaar kamid ah haweenka.

Batuulo Axmed Gaballe ayaa si weyn u cambaareysay tallaabadan, waxayna sheegtay in xoog loo gala wareegay guriga, iyada oo la adeegsanayo ciidamada ammaanka.

“Gabdhihii ayey garaaceen, kuwa badana waa xireen ciidamada Booliiska oo awood sheeganaya” ayuu tiri guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Muranka gurigan ayaa soo jiitamaayay muddo dheer, wuxuuna soo bilowday xilligii uu wasaaradda joogay wasiir Bashiir Goobe oo hadda loo wareejiyay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada, iyada oo haatan lagu kala baxay doodii ka taageen guriga.

Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa in dhowanahaan ka qaylo dhaaminayay arrinta saaka dhacday, waxayna ku doodayeen in guriga ay iyagu leeyihiin, looguna shaqeeyo dumarka.

WARARKA