Sabti 08-02-2025 {HMC} Wiil Soomaaliyeed oo 19 jir ah, oo xubintiisa taranka ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin lagu sameeyey carruurnimadiisii, ayaa si guul leh loogu sameeyay qalliin dib abqaalid ah ama beerid ah, kaas oo ka dhacay Isbitaalka Medicover ee magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.
Qalliinkan oo socday in ka badan 10 saacadood ayaa dib loogu soo celiyey shaqadii kaadida iyo awooddii galmada, taasoo soo afjartay sannado badan oo murugo iyo dhibaato jidheed iyo maskaxeed ah oo uu la noolaa wiilkani, sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha ee Hindiya.
Qofka bukaanka ah ayaa sannado badan la daalaa dhacayay dhaawacyo culus oo ka dhashay gudniinkiisii carruurnimo, taas oo keentay in uu u raadsado xal caafimaad dalal kala duwan ah oo dibedda ah.
Si kastaba ha ahaatee, dadaalkiisii hore ayaan midho dhalin, waxaana markii dambe uu go’aansaday inuu tago dalka Hindiya si loogu helo xal waara.
Baaritaanka caafimaad ee la sameeyay ayaa muujiyay in caabuqii ka dhashay gudniinkiisa carruurnimo uu sababay burbur xun oo keenay inuu gebi ahaanba waayo xubintiisa taranka. Waxa kale oo uu lahaa dhibaato dhanka kaadida ah oo ka dhalatay dhagxaan samaysmay, taasoo sii murjisay xaaladdiisa.
Koox dhakhaatiir ah oo uu hogaaminayay Dr. A.V. Ravi Kumar, khabiir sare oo dhanka kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, dhakhtar ku takhasusay qalliinnada dib-u-dhisidda iyo qurxinta, ayaa si taxaddar leh u diyaariyay qorshaha qalliinka, sida warbaahintu ka soo xigatay cisbitaalka.
Tallaabada koowaad ee daaweynta ayaa ahayd in la nadiifiyo marinada kaadida, lagana saaro dhagxaantii xannibay. Taas oo markii ay xaalad caadi gaadhay, ay dhakhaatiirtu guda galeen qalliinka dib-u-dhisidda xubinta taranka.
Si loo dhiso xubinta cusub, dhakhaatiirtu waxay adeegsadeen maqaar, xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada laga jaray cududda bukaanka. Dr. Ravi Kumar ayaa sharxay in cududda ay tahay meesha ugu habboon ee laga qaado unugyada maqaarka maadaama ay u eg tahay maqaarka xubinta taranka, halka lugta—oo ah meel kale oo la isticmaalo—aysan ku habboonayn kiiskan maadaama maqaarkeedu uu ka dhumuc weynaa, taasoo ka dhigi lahayd mid aan si sax ah loo qaabeyn karin.
Intii lagu guda jiray qalliinkan lagu magacaabo microvascular-ka oo socday 10 saacadood, dhakhaatiirtu waxay si taxaddar leh ugu isugu rakibeen xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada si ay u dhisaan xubinta cusub.
Waxa kale oo la sameeyay marin cusub oo kaadi-mareen ah, iyada oo laga dhigay xubin caadi ah oo la isticmaali karo, hadday tahay dhanka kaadida iyo awoodaheedii kaleba.
Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar ayaa xaqiijiyay in qalliinku si guul ah u dhacay, isagoo warbaahinta gudaha u sheegay:
“Bukaanku hadda si caadi ah ayuu u kaadin karaa, sidoo kale xubintiisa cusub waa la dhisay, waxaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu galmo sameeyo (penile implant). Waxa uu dib u helay dareenkii, wuxuuna awood u yeelan doonaa nolol caadi ah” ayuu yiri.
Bukaanka, oo intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay galay saddex ilaa afar qalliin, ayaa hadda si buuxda u bogsaday, waxaana la filayaa in uu isbitaalka ka baxo maalmaha soo socda.
Waxaana warbaahintu ay ka soo xigatay in uu sheegay in uu haatan dareemayo in culays badani ka degay:
“Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado” ayuu yiri bukaanka oo warbaahinta iyo isbitaalkuba ay ka gaabsadeen inay magaciisa sheegaan.
Qalliinkan guuleystay wuxuu calaamad u yahay horumarka caafimaad ee dib-u-dhisidda xubnaha jirka, isagoo rajo cusub u abuuraya dadka la tacaalaya dhibaatooyinka la xiriira dhaawacyada xubnaha taranka.
XIGASHO BBC