Sabti 08-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka XFS Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Ganacsatada faray in aanay lacag siin ‘AS’ isaga oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay in ay ka jawaabto haddii ay u gudbiyaan Dadka lacagahaas weydiinaya.
Roobow ayaa sheegay in Ganacsadaha lacagta bixinaya aanay cudur daar u noqon Karin in uu cabsi awgeed u bixiyay lacagtaas, waxa uu soo jeediyay in wixii macluumaad ah ay la wadaagaan Wasaaradda amniga XFS & Hay’adaha ammaanka qaabilsan.
Abuu Mansuur ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyeed horay uga fadwoodeen in aanay lacag la siin Karin dhinacyada hubeysan ee Dowladda kasoo horjeeda, ciddii lagu arka ayuu shaaciyay in lala xisaabtami doonno sida uu hadalka u dhigay.
“Dadka jooga meelaha Dowladda ka taliso oo Bakaaraha kamid yahay cudur daar uma heli karaan in ay dhahaan xoog ayaa lacag naloga qaaday” Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, Wasiirka Diinta & Arrimaha Diinta Islaamka XFS
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dagaal adag kula jirto Dadka lacagaha siiya ‘AS’ iyo Daacish, sidoo kale Xukuumadda Dan-Qaran ayaa tilmaamtay in ay dabagal ku heyso Dadka lacagaha u haya, kuwa maalgelinta u sameeya iyo Dadka Lacagaha dhaqa.