spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir Fartaag Oo Sheegay In Dagaalka Ka Socda Buuraha Calmiskaad Aysan Wax Soomaali Ah Ku jirin

Sabti 08-02-2025 {HMC} Wasiirka Aminga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta qeyb ka ahaa Shir jaraa’id oo dhowr kamid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagaalka ka socda Buuraha Calmiskaad aysan wax Soomaali ah ka dagaalameyn balse ay yihiin dagaalamayaal ajaaniib ah oo kusoo jabtay dagaalkii kooxdaasi lagula galay Wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Wasiir Fartaag waxa uu shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish inta aysan ku faafin degaano kamid ah Soomaaliya, waxaana uu balan qaaday in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay dagaalka ku garab istaagto Ciidamada Puntland.

Wasiir Fartaag ayaa uga digay Shacabka Soomaaliyeed inay maalgeliyaan Kooxaha AS & Daacish oo ay siiyaan lacagaha ay weydiistaan Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay go’aankii Khamiista ee kasoo baxay fadhigii Golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya kaas oo garab istaag loogu muujinayo Ciidamada Puntland si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish ee ku jirta Buuraha Calmiskaad.

Dagaalo xoogan ayaa tan iyo Bishii lasoo dhaafay waxaa ay ka soconayaa degaanada Buuraha Gobolka Bari, waxaana Puntland ay qaaday howlgal weyn oo ay ku sheegtay inay kusoo afjareyso Kooxda Daacish ee saldhigyada ka sameeystay Buuraha Bari, waxaana jirta dagaaladii ugu dambeeyay in lagu dilay saraakiil Cadaan ah oo ka barbar dagaalamaysay Kooxda Daacish.

 

WARARKA