spot_imgspot_imgspot_img

Maxay Kawada Hadleen Soomaaliya iyo Kuwait ?

Sabti 08-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Kuwait, iyada oo uu halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweyay Sarreeye Guuto Maxamed AlQahtani oo ah Madaxweyne ku xigeenka Dab-demiska iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Kuwait.

Safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiis ayaa daarran xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bini’aadannimo, iyada oo si gaar loogu hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday siyaabaha loogu hortago xaalada deg-dega ah si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya.

Safarka Guddoomiyaha ayaa daarnaa arrimaha xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bini’aadannimo.

WARARKA