spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynayaasha Rwanda iyo Congo oo maanta kulmaya.

Sabti 08-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Sabtida maanta ah Tanzania kula kulmya dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, iyadoo madaxda gobolku ay ka shirayaan si loo qaboojiyo colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Kooxda hubaysan ee M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa si degdeg ah u qabsatay dhul badan oo ka tirsan gobolka bariga DRC ee macdanta qaniga ku ah, weerarkaasi oo galaaftay nolosha kumannaan qof tiro aad u badanna ay ku barokaceen.

Kooxdan ayaa todobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatijiga ah ee Goma waxayna ku sii siqeysay gobolka ku dhegan ee South Kivu, waana xiisaddii ugu danbaysay ee tobanaan sano oo colaadi ay ka jirtay gobolka.

Kagame iyo Tshisekedi ayaa ka qeybgalaya shir-madaxeed wadajir ah oo ka dhacaya magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, kaas oo ay isugu imaanayaan 8-da wadan ee Bulshada Bariga Afrika iyo 16-ka dal ee xubinta ka ah urur goboleedka Bulshada Horumarinta dalalka koonfureed ee Afrika.

Rwanda ayaa beenisay in ay taageerto M23 balse warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay ku dhawaad 4,000 oo askari ay Rwanda ka joogaan DRC ayna ka faa’iideystaan tahriibinta xaddi badan oo dahab iyo coltan ah -oo ah macdan muhiim u ah telefoonada iyo laptop-yada casriga ah.

WARARKA