Sabti 08-02-2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aad u mucaaradsan siyaasadda Madaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in gacan adag lagu qabto Donald Trump iyo xulufadiisa oo ay ka dhex xustay maalqabaynta lagu magacaabo Elon Musk.
Ilhaan ayaa sheegtay in ugu horreyn loo baahan yahay in Elon Musk laga reebo arrimaha Siyaasadda, Waxbarashada iyo meelaha kale uusan mansabka ku ahayn si uusan ugu dheelin hannaanka oo yaqaan Maraykanka.
Waxa ay tilmaamtay in Maraykanka lagu garanayo dimuqraadiyad, ilaalinta dastuurka & u adeegista Bulshada balse wax weliba ay isbaddeleen kaddib markii farqaha ay isku xirteen Donald Trump iyo Elon Musk oo la wareegay siyaasadda dalkaas.
“Donald Trump & Elon Musk waxa ay mudan yihiin in laga qabto dhabbaha qaloocan ee Ameerika ay ka wadaan, Dastuurka ayay ku ciyaarayaan, qorshaha kaalmada dibadda lagu joojiyay waa garab istaagga Maraykanka dunida inteeda kale” Ilhaan Cumar.
Ilhaan ayaa dhowr jeer weerar afka ah ku qaadday Donald Trump, Madaxweynaha 47aad ee Dalkaas ayaa qaaday tallaabooyin kala duwan sida mamnuucista kaalmada dibadda, tan Hay’adda Caafimaadka WHO, Arrinta ka dhanka ah Gaza & kuwo kale.