spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahino Kasoo Baxayo Qarax ka Dhacay Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose

Sabti 08-02-2025 {HMC} Wara dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay suuqa ku yaalla magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in saddex ruux ay qaraxa ku geeriyoodeen oo ah Askar ka tirsan Ciidamada Amniga, halka afar qof shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaarey Hay’addaha Amniga ee gobolka Shabeellada Hoose, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaan.

Weli kama aysan hadlin laamaha Amniga ee degmada Qoryooley iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco

WARARKA