Sabti 08-02-2025 {HMC} Garsoore Federaal Ah Oo Xayiray Xafiiska Dawladda Ee Elon Musk (Doge) Inuu Helo Xogta Maaliyadeed Ee Malaayiin Maraykan Ah
Garsoore federaal ah ayaa ka joojiyey Xafiiska Hufnaanta Dawladda (Doge) ee uu hogaamiyo Elon Musk, isku deygoodii ahaa helitaanka xogta maaliyadeed ee malaayiin qof oo Maraykan ah oo ku jira kaydka Wasaaradda Maaliyadda, sida ku cad dukumentiyada maxkamadda.
Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Paul A. Engelmayer, ayaa Sabtidii soo saaray amar horudhac ah oo ka hortagaya helitaanka xogtaas, isagoo amray Musk iyo kooxdiisa in ay isla markiiba burburiyaan nuqul kasta oo ay hayaan.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii 19 Xeer-ilaaliye Guud oo gobollada Mareykanka ka kala socda ay dacwad ka gudbiyeen maamulka Trump, kadib markii Doge, oo ah barnaamij lagu dhimayo qarashka dawladda oo uu hogaaminayo Musk, loo ogolaaday inuu helo xogta maaliyadeed.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku doodeen in helitaanka xogtan ay jebinayso sharciga federaalka, maadaama Musk uu yahay “shaqaale gaar ah”, halka Doge-na aysan ahayn waax rasmi ah oo ka tirsan dowladda.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad, Madaxweyne Donald Trump, ama Musk laftiisa.
Xeer-ilaaliyeyaasha gobollada oo ah kuwa Dimuqraadi ah, ayaa Jimcihii dacwad ka gudbiyay Trump, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent.
Amarka maxkamadda ee Engelmayer oo la sii daayay aroornimadii Sabtida ayaa lagu sheegay in gobolladu ay la kulmi doonaan “dhibaato aan laga soo kaban karin” haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
“Arrintaas waxay sabab u tahay khatarta sare ee xog sir ah oo la faafin karo, iyo halista sii kordheysa ee ah in nidaamyada xog-ururinta ay noqdaan kuwo si fudud loo jabsan karo,” ayaa lagu yidhi amarka maxkamadda.
Amarka ayaa xaddidaya Trump iyo mas’uuliyiinta kale inaysan siin karin xogta Wasaaradda Maaliyadda shaqaale gaar ah, magcaabis siyaasadeed, ama shaqaale kale oo ka baxsan wasaaradda.
Waxaa kale oo maxkamaddu amartay in qof kasta oo horey u helay xogta la mamnuucay uu isla markiiba burburiyo nuqul kasta oo uu haysto.
Xayiraaddan waxay sii jiri doontaa ilaa dhegaysiga maxkamadda ee xiga oo la qaban doono 14-ka Febraayo.
Musk, oo ah bilyaneer dhinaca tiknoolajiyadda ah, ayaa door weyn ku lahaa isbeddelada waaweyn ee ka dhacay dowladda Maraykanka intii uu Trump hayay xafiiskiisa muddo xileedkiisan labaad, iyadoo Doge uu horseeday dhimista miisaaniyadda hay’adda USAID, oo ka shaqeysa bixinta gargaar malaayiin doollar ah oo caalami ah.
XIGASHO BBC